Maamulka iyo dhakhaatiirta ka shaqeeya Isbitaalka Al Quds ee magaalada Gaza ayaa sheegay inay fariin hanjabaad…
Maamulka iyo dhakhaatiirta ka shaqeeya Isbitaalka Al Quds ee magaalada Gaza ayaa sheegay inay fariin hanjabaad ah uga timid Israel inay duqeyn doonto isbitaalkaasi, dhakhaatiirta ayaa diiday inay halkaasi ka baxaan iyagoo sheegay in isbitaalka jiifaan kumanaan kun dhaawac ah.
Isbitaalkan oo kamid ah kuwa ugu waaweyn ee Gaza ayaa waxaa sidoo kale nawaaxigiisa ku sugan shacab gaaraya 14.000 oo ah dadkii ku baro-kacay duqeynta Israel.
Maanta oo Axad ah ayey diyaaradaha Israel duqeyn xoogan ka geysanayeen nawaaxiga Isbitaalka Al Quds.
Xasuuqa iyo duqeynta ka socda Marinka Gaza ayaa galay asbuucii 4aad iyadoo tirada dadka shacabka ah ee lagu dilay duqeyntaasi ay kor u dhaaftay 8000 qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 3500 caruur ah.
Horseed Media