Bangigii Ugu Horeeyey Oo Dalka Dibadiisa Laga Leeyahay Oo Laga Hirgeliyey Muqdisho

29 October, 2023

Waxaa maanta magaalada Muqdisho Lagu qabatay Munaasabad lagu daah-furay Bangigii ugu horeeyay ee laga leeyahay dalka…

Waxaa maanta magaalada Muqdisho Lagu qabatay Munaasabad lagu daah-furay Bangigii ugu horeeyay ee laga leeyahay dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Turkiga oo lagu magacaabo Ziraat Katilim, waxaana kasoo qeyb-galay mas’uuliyiin katirsan dowaldda madax ka socotay Bangiyada dalka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya xildhibaan Jabriil Abdirashiid Xaaji oo kamid ah madaxda ka qeybgashay xaflada ayaa yiri ” Bankigaan wuxuu fududeen doonaa xariirka ganacsi ee aan la leenahay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga”

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo kamid ahaa masuuliyiintii ka qeybgalay xaflada daah-furka ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahy in Bangigii ugu horeyay ee dalka dibadiisa laga leeyahay uu xarun ka furto magaalada Muqdisho.

”Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xariga ka jarno xarunta banki caalamiga kaas oo noqonaya midkii ugu horeeyey ee laan ka furta Soomaaliya”ayuu yri wasiir Biixi Imaan Cige.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Bangiga dhexe ayaa isna lagi yiri “Bankiga dhexe ee Soomaaliya waxaa farxad u ah in uu dadweynaha iyo ganacsatada Soomaaliyeedbala wadaagno in maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Oktoobar 2023, si rasmi ah loodaahfuray Bangiga Ziraat Katilim, laantiisa Soomaaliya.

Furitaanka Bankigan cusub waxay qeyb ka noqon doontaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee udhexeeya Soomaaliya iyo dalalka aan wax kala iibsiga leenahay sida Jamhuuriyadda Turkiga.

Ugu dambeyn Bankiga dhexe ayaa sheegay inay Soomaaliya ka go’an tahay dib u habeynta , kobcinta iyo ilaalinta xasiloonida hannaanka maaliyadda ee dalka.

Horseed Media