Madaxa Hay’ada Caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom ayaa cambaareeyey xadgudubka Israel ku heyso goobaha caafimaadka ee…
Madaxa Hay’ada Caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom ayaa cambaareeyey xadgudubka Israel ku heyso goobaha caafimaadka ee Gaza.
Tedros oo maanta oo Khamiis ah shir jaraa’iid ku qabtay xarunta Geneva.
Hay’ada WHO ayaa sheegtay inaan loo dulqaadan karin duulaanka ciidamada Israel ku galeen isbitaalka Al-Shifa.
“Isbitaalada maaha goobo dagaal, waxaan ka walaacsanahay xaalada dhaawaca iyo dhakhaatiirta”
Tedros Adhanom
Wuxuu sheegay in Israel ay gebi ahaan jartay isgaarsiinta, taasi oo caqabad ku ah ogaanshaha xaaladaha xarumaha caafimaadka.
Tedros ayaa sidoo kale ka hadlay baahida shidaalka ee xarumaha caafimaadka.
“Maalin walba isbitaalada iyo gaadiidka caafimaadka waxay u baahan yihiin shidaal gaaraya 120,000 liter maalin walba.”, ayuu yiri Madaxa WHO.
Israel ayaa Arbacadii shalay sheegtay in shidaal gaaraya 23,000 liter u fasaxday Gaza, balse shidaalkaasi aadka u yar ayaa lagu koobay gaadiidka deeqda geeya koonfurta Gaza.
Horseed Media