Ruushka oo markale cambaareeyey xasuuqa Israel ka wado dhulka Falastiin

11 December, 2023

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in ay tahay “wax aan la aqbali…

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in ay tahay “wax aan la aqbali karin” in Israa’iil ay u adeegsato weerarkii 7-dii Octobar ee Xamaas oo ay marmarsiinyo uga dhiganayso ciqaabta wadajirka ah ee dadka reer Falastiin.

Isagoo ka hadlayay Madasha 21-aad ee Dooxa ee dalka Qatar, ayuu ku baaqay in kormeer caalami ah loo diro marinka Qaza.

Waxa uu soo jeediyay in weerarka Xamaas ay ku qaaday Israa’iil uu daba socday go’doomin sanado ah iyo ballan-qaadyo aan la fulin oo lagu dhisayo dowlad ay leeyihiin Falastiin.

Lavrov ayaa ka hadlay baahida loo qabo kormeerayaasha caalamiga ah ee Gaza, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay in cadaadis caalami ah la saaro xabad joojinta bini’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee marinka Gaza ayaa sheegtay maanata oo Isniin ah in tirada dhimashada ay gaartay 18,205 dhulka Falastiin.

Ilaa 49,645 qof ayaa ku dhaawacantay tan iyo markii iska-horimaadku uu qarxay 7-dii Oktoobar.

Horseed Media