Mareykanka ayaa ansixiyay in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka F-16 kadib markii baarlamaanka Turkiga uu todobaadkan…
Mareykanka ayaa ansixiyay in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka F-16 kadib markii baarlamaanka Turkiga uu todobaadkan ansixiyay xubinnimada Sweden ee NATO.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Congress-ka ku wargelisay heshiiska $23bn ee lagu iibinayo diyaaradaha dagaalka xulafada NATO ee Turkiga habeenkii jimcaha.
Turkiga ayaa muddo dheer raadinayay inuu cusboonaysiiyo diyaaradahooda dagaalka ee F-16 wuxuuna codsaday diyaaradahan bishii Oktoobar 2021, laakiin mashruucan ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii Turkiga hor-istaagay in dowlada Sweden ay xubin ka noqoto NATO.
Baarlamaanka Turkiga ayaa talaadadii lasoo dhaafay ansixiyay sharciga ku saabsan ka mid noqoshada Sweden ee NATO.
Horseed Media