Baarlamaanka Puntland oo loo qaybiyey Ajandaha Golaha uu ku shaqayn doono Kalfadhiga 54aad

Published: June 23, 2024

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Maxamed Baari Shire iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada, iyadoo Ajandaha fadhigu ahaa.

1) Qaybinta Ajandaha rasmiga ah ee Golahu ku shaqeyn doono kalfadhiga 54-aad.

2) Dhaarinta Xildhibaan cusub Yaasiin Axmed Maxamuud Samatar

3) Soojeedinta Warbixinta Guddiga Joogtada ah, taas oo uu Golaha u akhriyey Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada.

4) Dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, iyadoo Guddiyada maanta warbixinada jeediyey ay kala yihiin:-

A) Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

B) Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

C) Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

D) Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Horseed Media