Ururka Warbaahinta Puntland oo tababar sare u furay Maamulayaasha Xarumaha Warbaahinta iyo hawlwadeenada

Published: June 23, 2024

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 23 June, 2024 Garowe ka furay tababarka Dhisidda Awoodda iyo Tayada Hawlwadeennada Warbaahinta Puntland oo ay ka qayb qaadanayaan 25 iskugu jira Maamulayaasha Xarumaha Warbaahinta iyo hawlwadeenada.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa furay, waxana ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Maxamed Ciise Cismaan, Afhayeenka Madaxweynaha Jaamac Yusuf Jaamac iyo Gudoomiyaha MAP Maxamed Caynsane.

Inta uu socdo waxa Maamulayasha xarumaha warbaahinta iyo tifatirayaashu is waydaarsan doonaan khibradahooda shaqo sidoo kalena waxa qayb ka ah xoojinta kaalinta warbaahinta ee sare u qaadida wacyiga Bulsho, wacyigelinta iyo sameynta xeer hoosaadka Xaqa Helista Xogta (Access to information Act) sid ku cad Xeerka Warbaahinta Puntland (Puntland Media Law).

Horseed Media