Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Puntland ahna sii hayaha Guddoomiyaha Axmed Maxamuud Cumar, ayaa xarunta kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga ๐๐ข๐๐๐๐ฒ๐ Mudane Daahir Xaaji Khaliif, Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Cabdallah Sheekh Axmed iyo Xoghaya Xisbiga, Abshir Cumar Huruuse.
Guddiga PEC ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Guddoonsiiyay Shahaadada Xisbiga ๐๐ข๐๐๐๐ฒ๐ oo ka mid ah 8-da Xisbi ee dowladda Puntland.
Guddoonka iyo Xoghaya Xisbiga ayaa Guddiga uga mahadceliyay shaqada quruxda badan ee hayaan oo u horeyso diyaarinta Doorashada saddexda degmo, iyagoo sheegay in Xisbigoodu siweyn ugu diyaargaroobeen doorashada golaha degaanka Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.
Horseed Media