Admiral Ercumet Tatlioglu, Taliyaha Ciidanka Badda Turkiga, ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Badda Turkiga ay…
Admiral Ercumet Tatlioglu, Taliyaha Ciidanka Badda Turkiga, ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Badda Turkiga ay la wareegeen hoggaanka hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ee Badweynta Hindiya.
Ku dhawaaqista ayaa timid ka dib xafladdii hawlgelinta maraakiibta cusub ee dagaalka ee TCG Kusadasi iyo TCG Kumkale oo ka dhacday saldhigga ciidamada badda ee Aksaz, maraakiibtan cusub ayaa lagu wadaa inay u baxaan dalka Qatar.
Admiral Ercumet Tatlioglu ayaa sheegay inay jiraan laba markab oo kale oo hawlgalaya xeebaha Liibiya ee badda Mediterranean-ka.
“…Waxaan ka qeyb qaadaneynaa howlgalka ka socda Lubnaan ee Bariga Mediterranean-ka. Shalay waxaan la wareegnay taliska ciidamada badda ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ee ku sugan badweynta Hindiya. Maanta waxaan halkaan u nimid inaan u dirno 2-markab ciidamada badda Qatar ee saaxiibada iyo walaalaha nahay si ay gacan uga geystaan amniga badda…” ayuu yiri Taliye Tatlioglu.
Horseed Media