Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukuntay eedeysane Cabdinuur Aadan Ibraahim oo ahaa agaasime ka tirsan wasaaradda…
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukuntay eedeysane Cabdinuur Aadan Ibraahim oo ahaa agaasime ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaa loo maxkamadeeyay inuu maalgalinayay argagaxisada iyo sidoo kale Lacag dhaqid.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Dacwadiisa u gudbiyay Maxkamadda gobolka Banaadir Bartamahii Bishii 5aad ee Sannadkaan ayaa sheegay in eedeysanaha uu sameystay Akoono laga furay bankiyada dalka kuwaasi oo lacagaha loogu heyn jiray kooxaha argagaxisada ah.
Ku dhawaad $296,036.75 ayaa la dhigay mid ka mid ah akoonadda u sameystay, ayada oo lacagahaasi loo bixinayay qaab Mushaar ahaan bil walba sida laga dhex arki karay akoonka eedeysanaha sida uu Xeer Ilaaliye ku xigeen Farxaan Xuseen Maxamed u sheegay Maxkamadda gobolka Banaadir.
Qareenka eedeysanaha oo lagu magacaabo Axmed Kheyr ayaa ku dooday in eedeysanaha uu wakiil ka ahaa nin ay ilmo adeer yihiin oo akoonka lahaa taasna aysan noqon karin dambi loo ciqaabo eedeysanaha.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa sheegay in eedeysane Cabdinuur Aadan Lagu xukumay Hal sanno oo Xabsi ah iyo sidoo kale Ganaax Lacageed oo dhan saddax kun oo dollar, xukunka uu ka furan yahay Rafcaan cidda aan ku qancin.
Horseed Media