Madaxa Qaramada Midoobay Guterres ayaa si weyn uga naxay warbixinnada ku saabsan weerarka RSF ee al-Fashir

Published: September 22, 2024

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa “aad uga argagaxay” warbixinnada ku saabsan weerarro baaxad leh oo ay kooxda Rapid Support Forces (RSF) ku qaadeen magaalada Al-Fashir ee dalka Suudaan, wuxuuna ugu baaqay hoggaamiyahooda inuu si degdeg ah u joojiyo weerarka, sida uu yiri Afhayeenka QM ayaa sheegay Sabtidii.

Guterres ayaa ka digay xaalad kasta oo sii kordhineysa oo khatar gelinaysa in ay colaadda ku sii fido gobolka galbeedka dalka ee Darfur.

“Waxa uu ugu baaqayaa Lt. General Mohamed Hamdan ‘Hemedti’ Dagalo, in uu u dhaqmo si mas’uuliyadi ku jirto oo uu si degdeg ah u amro in la joojiyo weerarka RSF,” afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Wuxuu sii raaciyey “Waa wax aan laga fiirsan karin in dhinacyada dagaallamaya ay dhowr jeer iska dhega tireen baaqyada ku aaddan joojinta dagaalka.”

Bishii April ee sannadkii hore waxaa Suudaan ka qarxay dagaal u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo Jabhadda RSF, kaasoo sababay barakacii ugu weynaa ee adduunka. Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ka digay rabshadaha sii xumaanaya ee ku xeeran al-Fashir oo ku hanjabay inay sii dayn doonaan colaado beeleedyo badan.

Horseed Media