Israel oo dar-dar gelisay duqeynta magaalada Beyruut

Published: October 6, 2024

Ciidamada Israel ayaa wada mowjado cusub oo weeraro duqeyn ah oo ka dhacay duleedka koonfureed ee Beirut, oo sababay qaraxyo waaweyn oo ay ku dhinteen tobanaan qof oo Lubnaaniyiin ah maalintii la soo dhaafay.

Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay qaadeen in ka badan 30 weerar oo xagga cirka ah xalay oo dhan guud ahaan xaafadaha koonfureed ee Beyruut.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ee rasmiga ah ayaa sheegtay in xaafada ay ku xoogan yihiin kooxda Xisbullah ee ku taal koonfurta Beyruut lagu garaacay in ka badan 30 weerar, kuwaas oo laga maqlay guud ahaan magaalada. Bartilmaameedyada waxaa ka mid ah kaalin shidaal iyo hotel u dhow garoonka caalamiga ah ee Rafic Hariri.

Ilaa hadda lama xaqiijin karo tirada dadka ku dhintay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil.

Horseed Media