Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed oo la kulmay safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya

Published: October 8, 2024

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Sucuudiga u jooga Soomaaliya mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Taliyaha iyo Daniiraha ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal, ka hortagga qataraha argagixisada, xoojinta taageerada Boqortooyada Sucuudiga ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka kooxaha xagjirka ah.