Xisbullah oo weerar cajiib ah ku qaadey saldhig Israel ay leedahay

Published: October 14, 2024

Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah ayaa lagu dilay 4 askari oo Israa’iiliyiin ah, tiro kalena waa lagu dhaawacay.

Dagaalkan oo si weyn u sii xoogaystay, ayaa weerar diyaaradeed oo ay fuliyeen kooxda Xisbullah waxa ay ku dileen ugu yaraan afar askari oo Israa’iiliyiin ah, tiro kalena way ku dhaawacmeen. Milateriga Israa’iil ayaa ku waramaya in weerarka lala beegsaday saldhig ku yaalla koonfurta magaalada Haifa, iyadoo toddobo qof ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Dhacdadan ayaa noqonaysa mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dhulka Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka ku aadeen Lubnaan, taasoo muujinaysa xiisadda sii kordheysa ee gobolka.

Sida ay sheegtay Xisbullah, weerarku wuxuu ku lug lahaa istiraatijiyad casri ah. Kooxda ayaa ku andacoonaysa in ay riday tobanaan gantaal si ay u dhaafiyaan nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xisbullah waxayna ku hanjabtay inay weeraro kale qaadi doonto, haddii Israel ay joojin weydo hawlgalkeeda Lubnaan. Xafiiska warbaahinta ee kooxda ayaa sheegay in weerarkan uu si toos ah ugu aargudayay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan iyo Beirut oo dhacay Khamiistii.

Isbeddelkan u dambeeyay ayaa muujinaya waji cusub oo halis ah oo colaaddu sii gelayso, taasoo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in uu ku sii fido gobolka.

HORSEED MEDIA