Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Jarmalka ayaa waraysi uu siiyey Jariidada Bild ee ka soo baxda dalkaas ku sheegay in Soomaaliya hadda ay nabad tahay qaxooti kasta oo sharci aan ku haysan Jarmalka ay Soomaaliya qaadan karto oo dib loogu celin karo.
Joornaalka Bild ayaa sheegay in ka badan 60,000 kun oo Soomaali ah ay maanta ku nool yihiin Jarmalka . Sanadkan oo kaliya 5,800 oo Soomaali ah ayaa magangelyo ka codsaday Jarmalka.
“Waan soo ceshan doonaa qaxooti kasta oo Soomaaliya ka yimid oo aan sharci degenaansho ku haysan halkan Jarmalka ama aan halkan ku milmin oo la qabsan dadkan.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ay nabdoon tahay marka laga reebo dagaalo yar oo ay kula jiraan argagixisada waxaana uu yiri:
“Dalkeennu wuxuu noqday mid nabdoon, hadda ma nihin waddan dagaal sokeeye ka socda,” ayuu yiri Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay BILD ka hor booqashadiisa Ra’iisul Wasaaraha Olaf Scholz. Haa, wali waan la dagaalameynaa maleeshiyaadka argagixisada ah ee al-Shabaab iyo IS, “laakin dib ayaan u riixnay,” ayuu yiri madaxweynaha. “Ma nihin hadda waddankii ‘Black Hawk down’ “
“Waa inaan mar kale u noqonaa guri muwaadiniinteena. Sidoo kale kuwa ku nool Jarmalka. Mid kasta oo iyaga ka mid ah waxa uu leeyahay dal Soomaaliya la yiraahdo. Dhammaantood halkaas ayay ku noqon karaan – dhib malahan.” ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa isla maanta kulan la qaatey Chancellor-ka Jarmalka Olaf Scholz oo casumaadda u fidiyey, waxaana ay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta.
HORSEED MEDIA