Sidee noqon karaa heshiis dhexmara Ruushka iyo Ukraine?

8 November, 2024

Moscow waxay raadinaysaa nabad waarta halkii ay ka heli lahayd xal ku meel gaar ah oo…

Moscow waxay raadinaysaa nabad waarta halkii ay ka heli lahayd xal ku meel gaar ah oo laga gaaro khilaafka, sidaas waxaa sheegay Madaxweynaha Federaalka Ruushka Vladimir Putin.

Kadib guushii Madaxweynaha la doortey ee Maraykanka Donald Trump waxaa aad u soo xoogeysanaya in ay jirto fursado lagu soo afjari karo colaada saddex sano jirsatey ee Ukraine iyo Ruushka.

Trump ayaa ololihiisa doorashada ku sheegay in 24 saacadood uu ku soo afjarayo dagaalkaas waxaa la is weydiinayaa Trump ma ul sixir ah ayuu haystaa oo dagaalka ku joojinayaa, jawaabtu waa maya, laakiin waxa uu cadaadis saari karaa Ukraine kuna khasbi karaa in ay qaataan Deal ama heshiis u xaglinaaya Ruushka.

Dagaalka Ukraine waxaa ku herdamaya quwado shisheeye, NATO ayaa wel-wel xooggan ka muujisey kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay Ruushka u soo dirtey askar ka badan 10 kun oo askeri kuwaas oo lagu wado in ay dhawaan dagaalka si toos ah u soo galaan.

UKRIANE DHEX-DHEXAAD MISE NATO?

Waxaa jira qorshe loo bixiyey habka Finland kaas oo laga soo qaatey dagaalkii dhex maray Finland iyo Ruushka ee loo yaqaan Winter war, waxaana uu dhacay 1939 ilaa 1940 waxaa lagu soo afjarey heshiiskii Moosko “Moscow Peace Treaty” iyada oo Finland ay ka tanaasushey qaybo kamid ah xuduudaha dhulkeeda gaar ahaan gobolka Karelia, sidoo kale oggolaatey in ay noqoto dal dhex-dhexaad ah oo aan ku biirin quwadaha adduunka, ilaa la soo gaarey sannadkii 2022, markaas oo Finland ka mid noqotey NATO.

Putin oo ka hadley shir ka socdey magaalada Sochi ee koonfurta Ruushka ayaa sheegay maalintii khamiista in Ukraine ahaan doonto sida qalab ku jira gacmo shisheeye waligeedna aan gaari doonin madax-banaani dhab ah ilaa ay dhexdhexaad ka noqoto kana harto hamigeeda NATO. Dhexdhexaadnimada Kiev waa shardi muhiim ah oo lagu soo afjarayo khilaafka Moscow kala dhexeeya si joogto ah, Putin ayaa u sheegay saxaafadda isagoo jooga Valdai International Discussion Club ee Sochi.

“Haddii aysan jirin dhexdhexaadnimo, way adag tahay in la qiyaaso nooc kasta oo xiriir derisnimo ah oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine,” ayuu yiri

Putin wuxuu sharxay sababta ay u doonayaan in Ukraine ahaato dal dhexdhexaad ah , “Ukrayn waxaa si joogto ah loogu isticmaali doonaa si loo waxyeeleeyo danaha Federaalka Ruushka.” Tani waxay la macno tahay inaysan jirin wax sal looga dhigayo xiriirka oo la soo cesho.

Qorshaha sheegaya in Ukraine ay ka tanaasuho qaybo kamid ah xuduudaheeda dhuleed gaar ahaan gobolada Bari iyo gacanka Crimea, Ruushkuna oggolaado in Ukraine dhulka u soo hara ay kaga mid noqoto NATO waa mid aan sinaba suurtagal u noqon doonin waana caqabadda ugu weyn ee heshiiska. Ukraine ma yeeli doonto in ay bixiso dhulkeedi loona diido in ay NATO gasho.

Ukraine ayaa heshey qalab mileteri oo casri ah iyo diyaaradaha F-16 oo ay ku garaaci karto Moosko, sidaas darteed waxaa adkaan doonta in ay si fudud isu dhiibto.

Iyadoo Ruushku aqoonsaday xudduudaha Ukraine ka dib markii uu burburay Midowgii Sofiyeeti 1991, Kiev ayaa ku dhawaaqay wakhtigaas in dalku uu ahaan doono dal dhexdhexaad ah, laakin markii dambe, hoggaanka Ukraine ayaa wax ka beddelay dastuurka waxayna ku dhawaaqeen rabitaankooda ku biirista NATO, kadib markii ay NATO kamid noqdeen dalalka Estooniya, Laatfiya iyo Lutweeniya oo dhamaantood ka mid ahaan jirey Midowgii Sofiyeetiga.

Moscow ayaa marar badan ka digtay in ay khatar jirta u aragto is balaarinta milatariga NATO ee Maraykanku hogaaminayo ee ku wajahan xuduudaha Ruushka. Putin ayaa ku tilmaamay hamiga Ukraine ee ku biirista NATO inay tahay mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee khilaafka hadda jira.

Si kastaba, Putin ayaa meesha ka saaraya qorshaha Karelia ee ah in Ukraine ka tanaasusho qaar ka mid ah dhulkeeda taas beddelkeed dhulka u soo hara ay kaga mid noqoto NATO.

Dalalka reer Galbeedka ayaa cuno-qabateyn ku soo rogey Ruushka sanadkii 2014, markii uu qabsadey gacanka Crimea, waxaana laga saarey G8 oo loo beddalay G7, sidoo kale waxaa cuno-qabateynta la ballaariyey sanadkii 2022 taas oo la gaarsiiyey heer waxyeelo gaarsiiyey dhaqaalaha adduunka oo sababay sicir barar.

Waxaa diaariyey
Ismail Haji Said
Horseed Media