Israa’iil oo $5 Milyan u balanqaaday cidii gacan ka siisa soo sii deynta laheyste walba oo ku jira gacanta Xamaas.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in $5m abaal-marin ah la siin doono ciddii gacan ka geysata sii daynta Israa’iiliyiinta ku jira gacanta Xamaas, lana siin doono waddo ay uga baxaan dhulka Falastiin ee ay dagaalladu aafeeyeen.
Netanyahu ayaa ku dhawaaqay abaalmarinta xilli uu booqasho gaaban ku tagay Gaza Talaadadii shalay, halkaas oo uu booqday marinka Netzarim Corridor – oo ah waddo muhiim ah iyo aag difaac ah oo ay dhiseen ciidanka Israa’iil si ay waqooyiga Gaza uga jaraan dhulka koonfureed.
“Kuwa doonaya in ay ka baxaan aaga dagaalka, waxaan leeyahay: Qof kasta oo noo keena qof la haysta ah, wuxuu heli doonaa waddo badbaado isaga iyo qoyskiisa. Waxaan sidoo kale siin doonnaa $5 milyan ,” ayuu yiri Netanyahu.
Balanqaadkan Netanyahu ayaa imaanaya kadib markii ciidamada Isra’iil ku fashileen inay cudud militari kula soo wareegaan inta badan dadka looga heysto Gaza, xili ay sii xoogeysanayaan mudaharaadka xukuumadiisa looga soo horjeedo oo ay wadaan qoysaska laheytayaasha.
Horseed Media