Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ilaa Jimcihii diiwaan gelisey 3,000 oo qof oo ka soo laabtay xadka Turkiga iyo Suuriya
In ka badan 7,500 oo qaxoonti Suuriyaan ah ayaa dib ugu laabtay dalkoodi tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad todobaadkii hore, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Ali Yerlikaya.
In ka badan 1,000 Suuriyaan ah ayaa maalin kasta ka tallaaba xadka laga soo bilaabo maalintii Isniinta ilaa iyo Jimcihii, ayuu ku qoray wasiirku bartiisa bulshada ee X.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ilaa Jimcihii diiwaan gelisey 3,000 oo qof oo ka soo laabtay xadka Turkiga iyo Suuriya.
Turkiga ayaa martigeliyey tiradii ugu badnayd ee qaxootiga Suuriyaanka ah ee ka soo qaxay dagaalka sokeeye ee billowday 2011. Sida laga soo xigtay tirooyinka Qaramada Midoobay, ku dhawaad 3 milyan oo Suuriyaan ah ayaa ku nool Turkiga. Kuwa dalkooda ku soo laabanaya waxay luminayaan xaqa ay u leeyihiin in ay ku sii sugnaadaan Turkiga marka ay ka gudbaan xadka.
UNHCR ayaa tirada guud ee qaxootiga Suuriya ku sheegtay 4.8 milyan, iyadoo Lubnaan, Urdun, Ciraaq iyo Masar ay sidoo kale martigelinayaan tiro badan.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa cadaadis ku saaray dadka qaxootiga ah ee Suuriyaanka ah ee ku sugan gudaha dalkaas, wuxuuna ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan dalkooda.
Khabiir arrimaha socdaalka oo u dhashey Turkiga Murat Erdoğan ayaa aaminsan in aqlabiyadda qaxootiga Suuriyaanku ay doorbidayaan inay sii joogaan Turkiga. Waxa uu tusaale u soo qaatay xaaladda dhaqaale iyo amni ee Suuriya oo liidata iyo in dad badan oo Suuriyaan ahi ay nolol cusub ka samaysteen Turkiga.