Puntland oo soo bandhigtay cudud ciidan oo ka dhan ah argagixisada

1 day ago

Dowladda Puntland oo bilihii lasoo dhaafay ku jirtay abaabulka guluf dagaal oo ka dhan kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya buuraha gobolka Bari ayaa maanta soo bandhigay ciidamadii ugu badnaa, hub iyo gaadiid dagaal.

Ciidanka hawlgalka ciribtirka Argagixisada Puntland oo loo bixiyey (Hilaac) ayaa maanta deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari kusoo bandhigay dhoolatus iyo cudud ciidan, diyaargarow buuxa iyo heegan, taas oo argagax gelinaysa argagixisada ku dhuumaaleysanaysa Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire, ayna qeyb ka yihiin goleyaasha Dowladda iyo Saraakiisha Ciidanka, ayaa ku booriyey Ciidamada in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka horyaalla ee ay Argagixisada uga sifeynayaan buuralayda Puntland.

Ciidanka Dowladda Puntland oo ah geesiyaal habeen iyo maalin u taagan difaaca dadkooda, ayaa hada siweyn ugu diyaar garoobay in ay Puntland ka sifeeyaan Argagixisada ku dhuumaaleysata buuralayda Puntland. Hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ee (Hillaac) waxaa ku mideysan Ciidamada Daraawiishta, PMPF, Booliska iyo Madaxtooyada.

Horseed Media