Aadan Madoobe oo digniin u direy qaar kamid ah xildhibaanada federaalka Soomaaliya

Published: July 12, 2023

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Maanta shir guddomiyay kulanka Golaha Shacabka ayaa ka hadley sida xildhibaanadu aysan ugu dhaqmeyn xeer hoosaadka baarlamaanka, sida loo gudbinaayo siraha iyo shaqada golaha shacabka, sidoo ale wax auu digniin u direy ilaa 130 xildhibaan oo fadhiyada ka maqan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in fadhi walba ee Golaha Shacabka aysan soo xaadirin tiro gaareysa 130 Xildhibaan, islamarkaana taasi aysan aheyn mid la aqbali karo in Xildhibaanada ay bilaa fasax iska maqnaadaan.

“Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa guud ahaan nahay 275 Xildhibaan, fadhiyada waxaa yimaada 145 Mudane halka ay maqan yihiin 130 kale oo aan wax cudur daar ama fasax ah intooda badan laga heyn, Xildhibaanno badan ayaa inta noo yimaadeen nagu dhaheen Guddoomiye maxay u maqan yihiin Xildhibaannadaas waa sax hadalkaas balse waxa ay ahayd in aan annaga dhahno oo aan la xisaabtanno” ayuu yiri guddoomoye Sheekh Aadan Madoobe.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in la dhaqan galinayo xeer hoosaadka Golaha Shacabka si loo ciqaabo Xildhibaanada caadeystay ineysan imaan fadhiyada Golaha, isagoo xusay in xeer hoosaadka uu dhigayo in Xildhibaankii maqnaada fadhiyada Golaha fasax la’aan muda laba sano ah inuu waynaayo xilka Xildhibaanimo.

Horseed Media