Abaalmarinta nabadda ee Nobel ee sanadkan waxaa loo magacaabey Narges Mohammadi.

Published: October 6, 2023

Abaalmarinta Nabadda ee 2023 waxaa la guddoonsiiyay haweeneyda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ee Iran magaceeduna yahay Narges Mohammadi.

Narges Mohammadi.

Sidaasi waxaa dhawaan ku dhawaaqay guddiga Nobel-ka Norway xilli ay xaflad ka socotay magaalada Oslo.

Narges Mohammadi, ayaa dhalatay sanadkii 1972-kii, waxaana la guddoonsiiyay abaal-marin nabadeed, iyo waxyaabo kale, oo ay ku mutaysatay u dagaalantay xuquuqda haweenka ee maamulka wadaadada Iran.

“Hadda xabsi ayey ugu jirtaa aragtideeda”, ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Nobel Berit Reiss-Andersen.

Narges Mohammadi waa khabiir physicist ah oo tababaran laakiin inta badan waxa ay ku soo shaqeeysey wariye.

Sannadkii 2016-kii, waxa lagu xukumay 16 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay “in ay faafisay dacaayad ka dhan ah dawladda” iyo in ay xubin ka tahay “urur sharci-darro ah oo ujeeddadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo amniga qaranka”. Lagama sii deyn doono xabsiga caanka ah ee Evin ee Tehran ilaa 2026.

Abaalmarintu waa aqoonsiga dhaqdhaqaaqa guud ee Iran oo leh hoggaamiye cad: Narges Mohammadi, ayuu yiri Berit Reiss-Andersen.

Sanadkan, 351 musharrax ayaa loo magacaabay in ay heli karaan abaal marinta Nobel, kuwaas oo 259 ka mid ah ay ahaayeen shakhsiyaad iyo 92 ay ahaayeen ururo.

Abaalmarinta waxaa la bixin doonaa 10-ka Diseembar, sanad-guuradii dhimashadii Alfred Nobel. Abaal marinta [Nobel Peac Prize] ayaa soo socotay tan iyo sanadkii 1901.