Abiy Ahmed oo xaalad degdeg ah ku soo rogey gobolka Amxaarada

Published: August 4, 2023
Shares52

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah iyadoo ay isku dhaceen Axmaarada iyo ciidamada federaalka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa soo saaray xaalad deg deg ah kadib dagaalo maalmo socday oo u dhaxeeyay ciidamada amaanka iyo koox maleeshiyaad ah oo ku sugan gobolka Axmaarada.

Dowladda Itoobiya ayaa Jimciha maanta ah ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib dagaallo maalmo socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka federaalka iyo maleeshiyaad ka tirsan qowmiyadda deegaanka ee waqooyiga gobolka Axmaarada.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Axmaarada oo ah gobolka labaad ee ugu dadka badan dalkaasi.

“Waxay noqotay lama huraan in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah maadaama ay soo baxday xaalad ay adkaatay in la xakameeyo dhaqdhaqaaqan aan la aqbali karin marka loo eego sharciga hadda jira,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Khatarta dagaaladan waxa ay khatar gelisey amniga qaranka, nabada dadwaynahana waa ay sii kordhaysaa maalinba maalinta ka dambaysa.

Axmaarada waxay ka mid tahay 11-ka gobol ee Itoobiya. Gobol walba wuxuu leeyahay ciidamo boolis ah iyo maleeshiyaad u gaar ah.

Dagaal xoogan ayaa todobaadkan horaantiisii ​​dhex maray ciidamada difaaca qaranka Itoobiya iyo kooxda Fano.

Labada ciidanba waxay ka barbar dagaalameen ciidamo federaal ah oo ka dagaalamay Tigrayga, laakiin hadda dawladda federaalku waxay doonaysaa inay awoodda dhexe ee ciidanka federaalka ah keligiis jiro.

Dawladdu waxay sheegtay inay doonayso in ciidamada difaaca deegaanka lagu daro booliska iyo ciidamada qaranka, taasoo mudaharaad ka kicisay gobolka bishii April.

Dibad-baxayaasha ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee isku dhafka ciidamada uu gobolkooda ka dhigi doono mid u nugul weerarrada uga imaanaya gobollada kale.

Burburinta iyo isku dhafka ciidamada gaarka ah ee Axmaarada ayaa qeyb ka ah heshiiska nabadeed ee ay dowlada dhexe la gashay ciidamada Tigreega.

Axmaarada ayaa waxaa hareeyay xasillooni darro tan iyo bishii Abriil markii mas’uuliyiinta federaalku ay u dhaqaaqeen inay hubka ka dhigaan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada.

Intarneedka ayaa la xiray dhowr qeybood oo ka tirsan gobolka, sida ay sheegtay xarunta horumarinta xuquuqul insaanka iyo dimoqraadiyadda ee fadhigeedu yahay dalka Itoobiya Khamiista.

Dhinaca kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka gadoodsan ay xireen wadooyinka, waxaana maleeshiyada Fano ay weerar gaadmo ah ku qaadeen cutubyo ka tirsan ciidamada. Mas’uuliyiintii dowladda ayaa isaga cararay magaalooyin dhowr ah.

Horseed media