Afar Kamid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Ee Gobolada Waqooyi Oo Lagu Doortay Muqdisho

Published: December 19, 2021

Doorashada afar kursi oo kamid ah golaha shacabka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Somaliland.

Afarta kursi ee maanta la doortay ayaa waxaa ku soo baxay Xildhibaan Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi, Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar iyo xildhibaan C/llaahi Cusmaan Ducaale Sugulle.

Seddex kamid ah kuraasta maanta la doortay ee gobolada waqooyi ayaa loo tanaasulay xubnaha kusoo baxay, arrimahan ayaana qayb ka ah waxybaaha cabashada la muujiyey ee hufnaanta doorashada.

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u faray guddiga maamulka Doorashada gobolada waqooyi in ay dardar geliyaan qabashada kuraasta doorashooyinka iyo sida laga maarmaanka u tahay hufnaanta doorashooyinka

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *