Afduub ka dhacay magaalada Ede ee dalka Netherland

Published: March 30, 2024
Shares10

Dhowr qof ayaa lagu qafaashay magaalada Ede ee badhtamaha dalka Netherland, waxaana la daadgureeyay guryihii ku yaalay xaafadaasi, sida ay booliisku sheegeen. Ma jirin wax calaamado ah oo muujinaya in falkaani la xiriiro argagixiso, ayay raaciyeen Boolisku.

Nin ayaa soo galay dhismaha Café Petticoat ee lagu caweeyo habeenkii magaalada Ede, aroornimadii hore ee saaka isagoo ku hanjabay inuu is qarxin doono, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Dhowr cutub oo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ayaa la geeyay subaxnimadii Sabtida dhismo ku yaal bartamaha magaalada, sida ay booliisku ku sheegeen hadal lagu baahiyay baraha bulshada. Ilaa 150 guri ayaa laga qaxay oo goobta ku dhaw, waxaana dadweynaha laga codsaday inay ka fogaadaan goobta.

Ninka afduubka geystey oo is dhiibey

Booliska dalka Holland ayaa gacanta ku dhigay nin ka soo baxay Baarka ay ku jireen dadka la qafaashay Sabtidii shalay.

-Qofkii ugu dambeeyay ee la haystayaasha waa la sii daayay. Hal qof ayaa la xiray, ayay yiraahdeen booliiska X.

Ninkan ayaa ka soo baxay baarka isagoo gacmaha hawada sare u haya, waxaana markiiba gacanta ku dhigay ciidamada booliska.

Wariye ka tirsan telefishinka NOS ayaa sheegay in goobta uu shilku ka dhacay uu yaallo robot-ka laga hago meelaha fog-fog iyo sidoo kale qaybaha ka hortagga qaraxyada iyo booliiska oo wata qalabka difaaca.

HORSEEDMEDIA