Ururka Taliban ee ayaa sheegtay masuuliyada weerar iyo qarax lala beegsaday kolonyo ciidamo Maraykan, weerarkaas oo uu ku dhintay Hal askari, tiro kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2019/12/ASKAR-1-1024x576.jpg)
Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid waxaa uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in dagaalyahanadoodu ay qarxiyeen gaari nooca gaashaamaan ah oo marayay degmada Char Dara ee gobolka Kundus .
Weerarkan u dambeeyay ayaa imaanaya iyadoo wadahadaladii u dhexeeyay Maraykanka iyo Taliban ay dib uga bilowday caasimadda Qadar ee Dooxa.
Madaxweynaha Maraykana Donald Trump ayaa hore u joojiyay wadahadalada ka dib markii ururka Daalibaan ay qarax ku dileen Askari Maraykan. weerarkan u dambeeyay ayaa la filayaa inuu saamayn ku yeesho wadahadalada labada dhinac
HORSEEDMEDIA