Afghanistan: Talibanka oo sheegay inay Haweenka xilal uga dhiibi doonaan maamulkooda

Published: August 17, 2021

Xaalada magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistan ayaa maanta oo Salaasa ah degen waxaana dib u bilowday hawlihii Airportka Magaalada oo shalay la xiray.

Waxaa maanta dib u bilaabmay hawlaha Madaarka caasimada oo shalay la xiray kadib markii ay kumanaan shacab baxsad ah ay buux dhaafiyeen Airportka, waxaana halkaasi ku geeriyooday dhowr qof oo qaarkood dusha ka fuulay diyaaradaha ciidamada Maraykanka leeyihiin oo ka duulayey madaarka.

Qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka ayaa duulimaadyo khaas ah usoo diray inay ku daadgureeyaan ajaanibta weli ku xaniban magaalada.

Kooxda Talibanka ayaa sheegtay inay dhawaan shaacin doonaan dowladooda cusub, mid kamid ah afhayeenka kooxdaasi ayaa sheegay inay ogolaan doonaan in haweenka dalkaasi ay xilal ka qabtaan maamulka cusub.

Talibanka ayaa dadaal ugu jira inay dejiyaan xiisada ka taagan caasimada Kabul iyo dhulka ay la wareegeen.

Waxaa gebi ahaan la furay wadooyinkii xirnaan jiray ee bartamaha Kabul halkaasi oo ay maanta si caadi ah u marayeen gaadiidka iyo shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *