Agaasimaha cusub ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo xilka la wareegay

Published: April 9, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii hore Mahad Maxamed Salaad.

Madaxweynaha oo munsaabadda hadal kooban ka jeediyey isaga oo la hadlaaya saraakiisha hay’adda sirdoonka ayaa yiri:

“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka argagixisada oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay muhiimadda Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranku ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka, waxa uuna sheegay in ay horseed u ahayd deegaannada laga xoreeyey gacanta argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.

HORSEEDMEDIA