Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada oo xilka la wareegay

Published: July 8, 2023

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil Biixi Iimaan Cige, iyo Wasiiru dawlaha Wasaaradda Xil Yusuf Maxamed Adan,ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Kusimaha Agaasimaha Guud mudane Cabdikariim Cumar Cabdiraxmaan Iyo Agaasimaha Guud Mudane Yuusuf Xasan Isaaq, ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirdda Wasaaradda, Agaasime waaxeedyaha, Lataliya yaasha, Shaqaalaha Wasaarada shaqada iyo marti sharaf ka socota hay’adaha dawladda.

Wasiirka, ayaa soo dhaweeyaAgaasimaha a guud sidoo kale u mahadceliyay ku simaha Agaasimaha guud iyo Agaasime waaxeed yada Wasaaradda hawlihii ay qabteen mudadii uu hayay xilka kusimaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda.

Sidoo kale,Wasiiru-dawlaha dowlaha Wasaaraddaa, Xil Yuusuf Maxamed Aadan oo isna hadal kooban ka jeediyay ayaa agaasimaha cusub iyo agaasimaha waaxeedyada wasaaradda ku booriyey howlaha horyaala wasaaradda in ay wadashaqeyn guud ka yeeshaan iskuna garab siiyaan hawlaha Wasaraddaa.

Mudane Yuusuf Xasan Isaaq Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Dhammaan Masuuliyiinta Wasaaradda uga mahad-naqay soo dhawaynta ay u sameeyeen iyo Xafladda Xil-wareejinta. Waxa uu ka waramay hanaanka shaqo uu la yeelan doono dhamaan masuuliyiinta wasaarada iyo shaqaalaha in ay noqon doonto mid daah furan oo ku dhisan wada tashi.

Ugu dambayntii, Wasiir Biixi waxa uu sharraxaad dheer ka bixiyey hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda oo ay ugu horreeyaan tayeynta shaqaalaha dawladda, u adeegidda arrimaha bulshada, shaqo abuurka iyo suuqa shaqada iyo kor u qadidda barnaamijyada horumarinta farsamada iyo tababarada xirfadeed (TVET) iyo Siyaasadaha iyo Shuruucda shaqada oo meel wanaagsan mareysa.

Wuxuu si rasmi ah u amray in lala shaqeeyo Mudane Yuusuf Xasan Isxaaq, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.