Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo Istiqaalo u geeyey Raysalwasaaraha

Published: April 4, 2024
Shares16

Waxaa isa soo taraya warar sheegaya in Agaasimaha hay’adda nabadsugidda qaranka Mahad Salaad Maxamed uu shaqada isaga tegaayo kadib cadaadisyo soo baxay weerarkii Hotel SYL kadib.

Xog soo gaartey HorseedMedia ayaa sheegeysa in Mahad Salaad Maxamed uu istiqaalo u geeyey Raysalwasaaraha maalintii Salaasada, xogta ayaa sheegaysa in Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre uu ka diidey in uu qabto kana codsadey in uu sugo inta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dalka dib ugu soo noqonaayo, laakiin waxaa ku adkeystey Mahad Salaad in uu xilka banaynaayo.

Raysalwasaaraha ayaa isla maanta oo Khamiis ah isugu yeeray Golaha Wasiirada oo ku maqnaa fasaxii 10 danbe ee Ramadaanka si loo magacaabo qofkii beddeli lahaa Mahad Salaad.

Ilaa malaintii shalay ee Arbacada waxaa laga dareemaayey xarunta NISA xaalad aan caadi ahayn, taas oo muujineysa in Agaasime Mahad Salaad xilka banaynaayo sida ay Horseed u shegeen ilo xog ogaal ah.

Waxaa la is weydiinayaa cidda beddalaysa Agaasime Mahad Salaad waxaana warar kala duwan sheegayaan in labada nin ay u baan tahay in ay xilkaan qabtaan ay kala yihiin Xildhibaan Sanbalooshe oo horey xilkaan u soo qabtey oo si weyn u raadinaaya, halka Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi oo isaguna xilka wasiirka banaynaaya uu doonaayo NISA.

Mahad Salaad ayaa ka mid ah xubnaha damaca weyn uga jiro in ay u tartamaan doorashada Galmudug oo dhacaysa sanadkan dhamaadkiisa.

HORSEEDMEDIA