Agaasimaha Xannaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska dawada dhacdey -DHEGAYSO

Published: February 20, 2017

Maalintii Axadda warbaahinta Horseed Media ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu daweynayey xoolaha reer miyiga ee ay fulisey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha gaar ahaan xoolaha loo soo hayaamiyey miyiga hoos taga degmooyinka Iskushuban, Bandar-bayla iyo Xaafuun iyo weliba deegaano kale oo ka tirsan Nugaal iyo Sool. Ol-olahan oo dhacay 21-31 Janaayo 2017 ayaa kal-kaaliyaashii iyo dhakhaatiirtii ka qayb-qaadaneysey loo qaybiyey DAWOOYIN dhacdey sanadkii 2015 oo laga soo saarey bakhaarka Wasaaradda ee keydka dawooyinka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Axmed Cabdi Cali-shire (Axmed Keyse) ayaa waraysi uu siiyey mid kmaid ah raadiyaasha Puntland sheegay in dawadan ay ahayd tiro aad u yar gaareysa 40 dhalo oo ku dhex khaldantey dawo kale oo wanaagsan, hawl-wadeenadii iyo dhakhaatiirtuna ay soo celiyeen markii ay arkeen oo la gubey.

Arrintan ayaa ah mid khilaafsan xogta Horseed Media ka heshey hawl-wadeenadii ka qayb-qaadanaayey daweynta xoolaha. Ol-olaha waxaa ka qayb-qaatey 15-kooxood, koox kasta waxaa la siinaayey 3 kartoon oo ay ku jiraan 30 dhalo oo dawo ah. Waxaana dawadda dhacdey soo celiyey 12 kooxood oo kamid ah 15-kii kooxood, taas oo ka dhigeysa cadadka dawada dib loo celiyey ee dhacsaneyd muddada sanadka ka badan 80% dawooyinkii Wasaaraddu qaybisey. Yaa qaaday masuuliyaddaas oo lagula xisaabtamey?.

Axmed Keyse ayaa ku dooday in Wasaaraddu ka soo guurtey dhisme hore dhamaadkii 2016 taasna ay keentey in dawada dhacdey ay si khaldan bakhaarka cusub u gashay, waxaase uu ka jwaabi waayey Dawo dhacdey sanadkii 2015 sababta muddadaas dheer loogu hayey bakhaarka ka hor guuritaanka Wasaaradda, kadib markii weriyihii waraysiga ka qaadey uu weydiiyey.

Hadalka Agaasimaha ayaa khilaafsan war uu Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Puntland Mudane Cabdijamaal Maxamed Cismaan u sheegay madaxtooyada oo ahaa in dawadan ay ku khaldeed faramashiyaashii ay ka soo gateen, waxaana muuqata in Wasiirka iyo Agaasimuhu aysan war isu hayn, su’aashuna ay tahay kan runta sheegaya labadooda.

Agaasime Axmed Keyse waxa uu Horseed ku eedeeyey in qof ay xil u raadineyso darteed arrintan u daabacdey, taas oo ah wax caqliga ka fog Horseed ma ahan Madaxweynaha Puntland xukuma ee xilalka magacaaba, waa warbaahin si hufan ugu adeegta bulshada Soomaaliyeed, mana jirta wax Agaasimaha iyo Horseed u dhexeyn kara ama horey u dhacay ama gadaal ka dhacay haba yaraatee.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Axmed Keyse uma sheegin dhegaystayaasha wax tallaabo ah oo Wasaaraddu qaadey oo ku aadan cidda iska lahayd masuuliyadda in dawo dhacdey loo qaybiyo ol-laha daaweeynta xoolaha. Waxaana uu ku dooday in shaqaalaha Wasaaraddu ay ku shaqeeyaan duruufo adag, iyaga oo qoysas ballaaran leh mushahar aad u yar iyi gunnooyin, ayna mudan yihiin in waad “Mahadsantihiin” lagu yiraahdo, waxaase la is weydinayaa sababta haddii uu Mahadinta u doonaayo uu ku diidaayo in ay wasaaraddu qaado dhaliisha iyo fadeexadda dawadan mudada sanadka ka hor ah dhacdey ee uu ol-olaha gashey.

Masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa inta badan eedahooda isku daya in ay dib ugula gal-gashaan saxaafadda madaxa banaan iyaga oo isticmaala been-abuur (Fake News) iyo hadalo lamid.

Waxaan soo dhaweyneynaa duruufaha adag ee Mudane Agaasime aad ku shaqeyneysaan waadna ku mahadsan tihiin, waxaase la doonaayaa in aad dhaliisha si dhab ah u qaataan cidkastana lagula xisaabtamo masuuliyadeeda si looga hortago in ay dib danbe u dhacdo fadeexaddan oo kale.

HOOS KA DHEGAYSO WARAYSIGA AGAASIME AXMED KEYSE

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *