AKHRISO: Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Published: June 22, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si faah faahsan uga hadlay xaaladda amniga dalka, waxa uuna u jeediyay codsi xooggan oo ku aaddan in ay dalka ka qaadaan cunaqabateynta hubka ee saarneyd tan iyo sannadkii 1992-dii.

“Waxaan garoowsannahay in Al-Shabaab oo laga adkaado ay u baahan tahay qorshe dhinacyo badan leh oo ay ugu horreeyaan ciidamo tayo iyo awood leh, dhismo dowladeed oo loo dhan yahay iyo in dowladdu ay awood u yeelato bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee shacabka. Dowladdaydu waxay si dhab ah uga shaqeynaysaa arrimahaas oo dhan, si ay u gaarsiiso dalka nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbaddiisa jeedinayay.

Amniga

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay guulo wax ku ool ah oo ku aadan horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab, waxa uuna sheegay in Sannadkii la soo dhaafay laga xoreeyey gacmaha argagixisada in ka badan 70 deegaan, taas oo fududeysay isu socodka dalka ee Waqooyi iyo Koonfur, gaar ahaan dhul-beereed ballaaran oo hodon ah.

“Iyadoo la xoojiyey weerarrada ciidanka ee ku aaddan dabar-goynta argagixisada Alshabaab iyo in la curyaamiyo dhaqdhaqaawooda sirdoon ahaan, waxaan ku guuleysannay in hoos loo dhigo falalkoodii gurrucnaa ee ay ka fulin jireen Caasimadda Muqdisho.”

Cunaqabataynta Hubku, waa caqabad amni

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in cunaqabateynta hubka ay noqotay caqabad halkii ay ka ahaan lahayd mid waxtar leh. “”In kasta oo aanu ku tallaabsannay horumar la taaban karo, haddana geeddiga aanu ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya nabdoon oo barwaaqo ah waxa ku hor gudban caqabad adag oo ah cunaqabataynta hubka ee qarankeenna lagu soo rogay sanadkii 1992. Sidaasi awgeed, waxaan si cad hoosta uga xarriiqayaa in Soomaaliyada hadda (2023) aanay ahayn Soomaaliyadii shalay (1992).”

Qaadista Cunaqabataynta Hubka

Madaxweynaha, ayaa mar uu ka hadlaayay tallabada loo qaaday in lagu maareeyo hubka iyo rasaasta dalka, waxa uu ka codsaday ergada in ay gacan ku siiyaan baaqa ah in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. “Marka aad sidaas sameysaan waxaad awood noo siinaysaan in aan xaqiijinno madax-bannaanideena.”

Horseed Media