Al-Shabaab Oo Go’doomiyey Magaalada Baydhabo

Published: July 16, 2023

Wararkaka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay muddo lix maalmood ah u xayiran yihiin badeecadaha ganacsi ee ay ka mid yihiin raashiinka iyo shidaalka Koonfur Galbeed ee gaari jirey magaalada Baydhabo.

Talaabadan ayaa la sheegay inay la xiriirto xarig lo gestey shaqsiyaad la sheegay inay ka soo safreen Baydhabo kuwaas oo tekay deegaanada Al-Shabaab maamulaan.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wacad ku maray in ay sharciga la tiigsan doonaan cid kasta oo ka amar qaadata kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Waxaan xanuunka la qeybsanayaa shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku jira go’doominta arxan darada ah ee Al-Shabaab” ayuu yiri Xuseen Sheekh Maxamuud Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. “Sida muuqata in kooxdan ay dagaal adag kula jirto shacabka Soomaaliyeed, taasina waxay marag madoon u tahay in dadaallada ay hormuudka ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya ay kooxdaasi ku siidabar go ayso ayuu yiri.

Go’doomintan ayaa dadka ku nool Baydhabo ka dhigtay in ay waayaan sahay muhiim ah muddo ku dhow toddobaad.

Maamulka ayaa wacad ku maray in ay kordhinayaan dadaallada lagu sugayo amniga Baydhabo iyo in dib loo furo khadadka saadka ee gargaarka bini’aadantinimo.

Horseed Media