Al-Shabaab oo weerar culus habeenkii xalay ka fuliyey Muqdisho

Published: August 23, 2023
Shares34
alshabaab

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kadib israsaasayn ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta magaalada Muqdisho iyo maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay degmada Kaxda ee koonfurta magaalada Muqdisho

Dagaalka ayaa yimid kadib markii malayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay abaare 1:40am weerar ku qaadeen afar deegaan oo ka tirsan degmada Kaxda.

Goobaha la bartilmaameedsaday ayaa kala ah Saldhiga Booliska, Xarunta Maamulka Degmada iyo laba goobood oo bar koontorool ah oo amniga laga sugo.

Weerarkii ugu xoogganaa ayaa lala beegsaday saldhigga booliska oo ay Al-shabaab ku qarxiyeen gaari bom lagu soo xiray, hase yeeshee ciidamada booliska ayaa iska caabiyay maleeshiyada Al-shabaab.

Malayshiyaadka al-Shabaab ayaa kor u qaadey weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu bilaabey wejiga labaad ee dalka looga xoreynaayo kooxda al-Shabaab.

Horseed Media