al-Shabaab oo weerar ku qaadey xero ciidamada dowladdu ku lahaayeen Basra

Published: August 12, 2023

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ayaa sheegaya in goordhow dagaal xoogan oo u dhexeeyo kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka bilowdey deegaanka Basra oo dhaca inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye.

Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday xubnaha Al-Shabaab. Saldhiga waxaa ku sunaa cidamadii dhawaan lagu soo tababaray dalka Uganda.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, laakiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyada oo Dowladda federaalku isu diyaarineyso wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Horseed media