Al-Shabaab oo weeraray saldhigyo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin gobollada Jubada hoose & Hiiraan

Published: March 29, 2023
Shares4

Ururka Al-shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka laba weerar oo kala duwan ay ku qaaday laba xero oo ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin gobollada Jubada hoose iyo Hiiraan.

Xubno katirsan Al-shabaab ayaa deegaanka Baarsangooni ee gobolka Jubada hoose ku qaaday weerar ku bilowday qarax kadibana halkaasi waxaa kadhacay dagaal dhexmaray ciidamadii halkaas joogay iyo kooxdii werararka soo qaadday.

Sidoo kale xubno kale oo ka tirsan isla Al-shababa ayaa weerar ku qaaday Saldhig ciidamada dowladda Soomaaliyo iyo ciidamo deegaanka ay ku leeyihiin tuulada Baardheeere ee duleedka magaalada Baladweyne ee xaruunta gobolka hiiraan waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaada u dhaxeeyaya labada.

Dowladda Soomaaliya ayaan ilaa iyo hadda wax faah-fahain dheeraad ah ka bixin khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.

Horseed Media