Amisom Oo U Diyaar-garoobaysa Ilaalinta Amaanka Doorashada Soomaaliya

Published: November 10, 2020

Taliyaha guud ee ciidanka Amisom ,sareeye guud Diomede Ndegeya, ayaa maanta kulan la qaatay saraakiisha lixda qeybood ee Amisom kaasi oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo qeyb ka aha xoojinta amniga maadaama ay qeyb ka yihiin la dagaalanka argagixisa.

Kulanka oo ay hanaanka muqaal-fog araga dhanka internetka uga qeyb galeen lixda taliye  qeybaha Amisom ayaa looga hadlay qorsheynta hanaanka dib u qaabeynta howlgalka Amisom iyo sidii loo meel marin lahaa qorashayaasha lagu kaabayo hanaanka la dagaalanka maleeshiyaadka al-shabaab.

Saraakiisha ayaa  sidoo kale kulanka ay uga hadleen  talaabooyinka dhanka amaanka la xiriira kuwaas oo loogu talogalay doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.

 Ciidanka Amisom ee jooga Soomaaliya waxay kaalin weyn ka qaataan la dagaalanka argagaxisada iyaga oo garab ka helaya xoogga dalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *