Amnesty: “Puntland waa inay joojisaa weriyeyaasha ay xir xireyso”

Published: March 10, 2021

Ha’yadda caalamiga ah ee arrimaha xuquuqul insaanka ee Amnesty ayaa sheegtay in dowlada Puntland weerar ku hayso weriyeyaasha isla markaana handdadaad iyo tacaddiyo u geystay qaar kamid ah weriyeyaasha ka howlgala deegaanadeeda.

Amnesty waxay sheegtay in afar weriye labadii bilood ee lasoo dhaafay lagu xiray magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Waxay walaac ka muujisay dhibaatada lagu hayo saxaafadda madaxabanaan ee ka howlgasha gudaha Puntland.

“Arrinta sare u kaceyso ee ku saabsan weriyeyaasha lagu xirayo Puntland waxay muujineysaa inay socdaan howlgallada ka dhan ah saxaafadda madaxabanaan, xiritaankan wuxuu saameynayaa shaqada weriyaha ee xilliggan doorashada, mas’uuliyiinta waa inay qaddariyaan, dhowraan, kuna dadaalaan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo saxaafadda madaxabanaan “.

Amnesty

Ha’yadda Amnesty ayaa ugu baaqday maamulka Puntland in uu joojiyo xarigga iyo tacaddiyada ka dhanka ah weriyeyaasha ka howlgala halkaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *