Aragtida Sharci ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta – Qareen Zakariye

Published: August 4, 2020
Xukuumadda kumeelgaarka ah
Xukuumadda xil-gaarsiinta

Gogoldhig

Sida aan wada ogsoonahay Golaha Shacabka BFS ayaa kalsoonidii kala noqday Xukuumaddii uu hogaaniyay Mdne: Xasan Cali Kheyre taariikhdu markey ahayd 25-tii Luuliyo 2020. Wuxuu Golaha Shacabku codka kalsoonida siiyay 1-dii Maasrso 2017.

Waxaana xukuumadda iyo barnaamijkeeda la ansixiyay, codka kalsoonidana Golaha Shacabku siiyay 29-kii Maarso 2017.

Waxaa jira su’aala badan oo ay is-weydiinayaa bulshada Soomaaliyeed kuna saabsan sababta Ra’iisul Wasaarihii xilka laga qaaday ama isaguba iska-casilay aanu u hogaaminayn xukuumadda xil-gaarsiinta?

Ma jiraa qodobo Dastuur ama mid Xeer oo ka reebaya in uu sii wado howlaha xukuumadda xil-gaarsiinta ilaa laga soo magacaabayo cid kale oo beddesha? Ma go’aan Maxkamadeed ayaa looga joojiyay sii-qabashada shaqada? Yaa xilka ku wareejinayo Ra’isul Wasaaraha la soo magacaabay? Ma Ra’isul Wasaaraha xilka laga qaaday? Mise Ra’isul Wasaare Ku-xigeeka ku xukunka ah ee isaga la dhacay si waafaqsan Qod.97/4aad ee Dastuurka KMG? Maxaa kala fadilay Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa? Sharciyan iyo caqliyan ma la aqbali karaa in Ra’isul Wasaarihii Xil-gaarsiinta (caretaker prime minister) laga maarmo ee uu shaqada sii qabto ku xigeenkiisii sabab la’aan? Maxay tahay Xukuumadda xil-gaarsiinta? Xilkeeda iyo mas’uuliyaheedu ma waxay la mid yihiin tan xukuumadda caadiga ah?Yaa xakameynaya howlaha xukuumadda xil-gaarsiinta maadaama ay dhacday, Baarlamaankuna aanu kor-joogtayn ku lahayn? Iyo su’aalo kale oo badan.

Ma gaari kartaa xukuumadda xil-gaarsiintu go’aanno masiiri ah? Ma magacaabi kartaa guddiyo madaxbannaan oo Dastuuri ah? Ma gacaabi kartaa saraakiil sar-sare? Sidoo kale xilka maka qaadi kartaa?

Haddaba Si looga jawaabo su’aalaha sare ku xusan, loona fahmo qoramada, waxaan soo bandhigaynaa macnaha iyo sharci ay ku tiirsan tahay xukuumadda xil-gaarsiinta (Caretaker Government) kadibna waxaan dul istaagaynaa mabaad’ida Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka anagoo raad-raac ku samaynayno sooyaal Dastuur iyo nidaamka dowladeed ee uu dalku lahaan jiray, sidoo kale haddii ay jirtay fasiraad Dastuur oo arrintaas la xiriirta oo ay horey u go’aamiyeen hay’adaha garsoorka dalka.

Ugma doodayno qoramadaan su’aalaha qaar aan sare ku xusnay, maadaama nuxurkooda aan doodi doonno, kuna falanqeyn doonno qoraalka. 

Maxay tahay xukuumadda xil-gaarsiinta

Xukuumadda Xil-gaarsiinta waa xukuumad lahayd awood dastuuri ah oo haysatay kalsoonida Baarlamaanka, hase yeeshee isu-bedeshay xukuumad ay xadidan yihiin awoodaha iyo xilalkeedu sababo la xiriira isbedel maamul iyo mid Dastuuri oo ku yimid xukuumadda, sida muddo xileedkeedii oo dhammaaday ama Baarlamaankii oo kalsoonidii kala noqday ama is-casilaad ama geeri ku timid Madaxa Xukuumadda iwm.

Waxay xaaladdaasi abuuraysaa in howlihii xukuumadda uu ku yimaad hakad, loona baahdo waqti lagu soo dhiso xukuumad kale oo la wareegta xilka iyo mas’uuliyadaha,  si ay joogto u sii noqdaan adeeggii bulshada iyo nidaamkii dowlad-nimada.

Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo la xiriira awoodaha iyo xilalka xukuumadda xil-gaarsiinta, waxaana aalaa arrimahaas xeeriya Dastuurka, Xeerka iyo nidaamka dowladeed ee uu dalku leeyahay. 

Dalal qaar xukuumadda xil-gaarsiintu waxay ka imaanayso meel ka baxsan xeen-daabka xukuumadda xilkeedu dhammaaday ama dhacday, haddii si kale loo dhigo wax awood xil-gaarsiin ah ma yeelanayso xukuumadda muddo xileedkeedu dhammaado.

Saldhigga Sharci ee Xukuumadda xil-gaarsiinta

Saldhigga sharci ee xukuumadda xil-gaarsinta wuxuu ku qotomaa labo mabda’a oo aasaasi ah. Mabda’a koowaad wuxuu ku salaysan yahaya hab-dhaqan maamul iyo mid nidaam kaasoo ah in eeyan joogsan howlihii xukuumadda iyo adeeggii bulshada, maadaama dowladdu tahay noolee aan dhiman, waxa is-bedelayana ay yihiin mas’uuliyadda iyo mas’uuliyiinta. 

Mabda’a Labaad waxaa gun-dhig u ah hab-dhaqan Dastuur, maadaama ay xukuumaddu lumisay sharciyaddii, haku lumiso kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka ama siyaabaha kale ee lagu lumiyo mas’uuliyadda sida is-casilaadda, geerida iwm.

Labada mabda’a waxay ku dhisan yihiin falsafadda dastuuriga ee dhigaysa in howlihii xukuumaddu sii socdaan oo aan hakad ku imaan iyo in la xaddido mas’uuliyadaha xukuumadda xil-gaarsiinta maadaama ay lumisay sharciyaddeedii.

Aragtida Dastuur ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta (Dastuurka KMG iyo Dastuurradii hore ee Dalka)

Dastuurka KMG ee la ansixiyay 1-dii August 2012

Dastuurka KMG si cad uma qeexin awoodda iyo xilka xukuumadda xil-gaarsiinta, sidoo kale wax tilmaan ah kama bixin xaaladaha sharci ee xukuumadda kalsoonida lagala noqday ama xaaladaha kale ee ay ka midka yihiin istiqaalada, geerida iyo xil gudasho la’aanta Madaxa Xukuumadda ee jireed ama maskaxeed.

Haddii aan si quman u dhuganno murtida Dastuurka ee arrimaha la xiriira xukuumadda xil-gaarsiinta waxaa inoo soo baxaya in ay ku uruurayaan arrimaha soo socda:

  1. Marka muddo xileedka xukuumaddu dhammaado oo doorasho la’aado, waxaa arrintaas nidaaminaya Qod.103 ee Dastuurka KMG. 

Nuqulka Afka Ingiriiska ku qoran ayaa si cad u qeexay shaqada ay qabanayso xukuumadda xil-gaarsiinta taasoo ah sii-wadidda shaqooyinka socda (routine duties).

Ma tilmaamin qodobku wax xaddidaya xilalka iyo mas’uuliyadaha xukuumadda xil-gaarsiinta iyo waxyaabaha ka reeban oo aysan fulin karin muddadaas.

Ma sheegin qodobku xaaladaha sharci marka Golaha Shacabka kalsoonidii kala noqdo Xukuumadda, sidoo kale ma tilmaamin xaaladaha sharci ee xukuumadda  marka Ra’isul Wasaaruhu is-casilo ama uu geeriyoodo.

  1. Haddii Golaha Shacabka ee BFS uu kalsoonida kala noqdo xukuumadda sida ku cad Qod.69/2/E ee Dastuurka KMG.

Wax faahfaahin ah Dastuurku kama bixin –sidaan horey ku tilmaanay- xaaladaha sharci ee ka dhasha kalsooni kala noqoshada xukuumadda. Ma cadda awoodda iyo xilalka xukuumadda dhacday, lama sheegin wax xakameynayaa mas’uuliyadaheeda maadaama Golaha Shacabku uu kalsoonidii kala noqday wax la xisaabtan iyo kor-joogtayn ah aanu ku lahayn.

  1. Hadduu Ra’isul Wasaaruhu geeriyoodo ama is-casilo ama uu gudan waayo xilkeesa sababo caafimaad sida uu jidaynayo Qod.90/d iyo 97/4 ee Dastuurka KMG. 

Wax tafaasiil ah oo dheeriya kama bixin Dastuurka marka ay timaado xaaladda sare ku xusan, sidoo kale ma sheegin xaaladda sharci ee xukuumadda, maadaama ay dacbeecad ahaan ka duwan tahay labada xaaladood ee hore oo midna mudda xileedka xukuumadduu uu dhammaaday, midda kalana kalsoonidii lagala noqday Xukuumadda oo ay lumisay sharciyaddii.

Qod.97/4 ee Dastuurka KMG ayaa dhigaysa in xukuumaddu dhacayso marka uu xilkiisa waayo Ra’isul Wasaaraha, laakiin macadda awoodda sharci ee xukuumadda xil-gaarsiinta ee xaaladdaan.

Qodobka 101aad ee Qabyo-qoraalka 2aad ee Wax –ka- Beddelka Dastuurka KMG ee aan weli la ansixin ayaa  ka hadlayaaXukuumadda Xil-gaarsiinta si la mid ah Qod.103 ee Dastuurka KMG, hase yeeshee wuxuu ku daray faqtad 2aad oo ka hadlaysa waxyaabaha ka reeban xukuumadda xil-gaarsiinta oo ay ka mid yihiin gelitaanka heshiisyo iyo wada-xaajoodyada caalami ah, iyo sidoo kale soo-jeedinta ku dhawaaqidda xaalad dagaal.

Dastuurkii 1960-kii

Dastuurkii 1960-kii wuxuu tilmaamay in marka Baarlamanku kalsoonida kala noqdo xukuumadda ay ay is-casilayaan dhammaan xubnaha xukuumadda, waxay se sii-haynayaan howlihii socday ilaa laga soo magacaabayo xukuumad cusub, waxaa sidaa caddeynaya Qod.82aad ee Dastuurka.

Dastuurkii 1990-kii

Sida ku cad 91/4aad ee Dastuurkii 1990-kii xukuumadda dhacday waxay sii wadaysaa oo keliya howlaha maamulka caadiga inta xukuumad kale la soo dhisayo. 

Nidaamka Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee Dunida Kale

England and Walles (Cabinet handbook- paras 2.27 to 2.31).

Ingiriiska waxay xukuumadda xil-gaarsiin ahaan u shaqeyn kartaa marka ay jiraan saddexda xaaladood ee soo socda:

  1. Marka lagu guda jiro ololaha doorashada guud.
  2. Marka Baarlamaanku (Aqalka Commons-ka) kalsoonida kala noqdo Xukuumadda.
  3. Haddii aysan ka soo bixin doorashada natiijo sugan oo aan dhinac guushu raacin. 

Inta lagu guda jiro xaaladdaas waxaa ka reeban xukuumadda xil-gaarsiinta soo bandhigidda barnaamij iyo siyaasad cusub oo aysan xukuumaddii hore ansixin ama ogolaan, waxaa kale oo ka reeban gelitaanka heshiisyo caalami ah iyo go’aan ka gaaridda arrimo masiiri ah, sidoo kale ma magacaabi karo xilal sare oo dowladeed.

Portugal (Qod.186/5 ee Dastuurka)

Xukuumadda xil-gaarsiinta waxay leedahay awoodo fulineed oo xaddidan, waxay fulin kartaa oo keliya arrimaha degdegga ah ee la xiriira sii wadidda howlaha maamulka guud ee horey u socday.

Waxaa ka reeban go’aan gaaridda arrimaha siyaasadda ee caqabadda ku noqon kara xakuumadda la dooran doona, sidoo kale sooma saari karto xeer nidaamiyeyaallagu fulinayo barnaamijyo cusub oo aan horay go’aan looga gaarin.

Xilalka iyo Awoodaha Xukuumadda Xil-gaarsiinta

Marka aan tixraac iyo raac-raac ku sameeyno falanqeyntii iyo faaqidaadihii aan sare ku soo sheegnay, sidoo kale aan soo xiganno aragtida Dastuur iyo midda sharci ee xukuumadda xil-gaarsiinta –guud ahaan dalalka ku dhaqma nidaamka baarlamaaniga ama nidaamka isku-dhafka – waxaa inoo soo baxay in xukuumadda xil-gaarsiinta ay yeelanayso awoodaha iyo xilalka soo socda:

  1. Socod-siinta howlihii ama shaqooyinkii socday (routine duties) ee la xiriira maamulka guud iyo adeegga bulshada ama haddii aan si kale u dhigno howl-maalmeedkii hay’adaha maamulka guud ee dowladda.
  2. Arrimaha u baahan in si degdeg ah wax looga qabto ee la xiriira danta guud, haddii aanay caqabad ku noqonayn xukuumadda la magacaabayo ama aysan abuurayn qalalaase iyo khilaaf siyaasadeed.
  3. Xaqiijinta doorashada marka mudda xileedka xukuumadda dhammado, lana galo doorashada iyo ka shaqeynta dhisidda xukuumad cusub.
  4. Fulinta barnaamijyada iyo howlihii ay horay go’aannada uga qaadatay xukuumadda dhacday ama waqtigeedu dhammaaday.

Waxyaabaha aysan go’aan ka gaari Karin ama aysan fulin Xukuumadda Xil-gaarsiinta

Sidaan horey u sheegnaba inta lagu guda jiro marxaladda kala guurka ama xil-gaarsiinta waa in la helaa aalad ama xeer xadeeya ama xakameeya mas’uuliyadaha iyo xilalka Xukuumadda Xil-gaarsiinta, maadaama Golaha Shacabka uusan ku lahayn la xisaabtan iyo kor-joogtayn ama xaaladaha qaar la kala diray Baarlamaankii oo lagu dhawaaqay doorasho, xukuumadda xil-gaarsiintuna ay lumisay sharciyaddeedii sida aan horay faaqidna.

Haddaba markan tixraac iyo falanqeyn ku samaynay Dastuurka KMG, Sooyaalka Dastuur iyo Nidaamka Dowladeed ee Dalku lahaan jiray, si gaar ahna aan u daraaseynay Xeerar iyo xeer nidaamiyeyaasha xukuumadaha ee Dalku lahaan jiray,  sidoo kale aan daraasad qoto-dheer ku samaynay xaaladaha sharci ee xukuumadda xil-gaarsiinta ee Dowladaha ku dhaqma Nidaamka Baarlamaaniga ama Nidaamka Isku-dhafka, sidoo kale aan dalaacanay Dastuurradooda iyo Xeer Nidaamiyeyaasha Dowladahooda, waxaan inoo soo baxday in xilalka iyo awoodaha xukuumadda xil-gaarsiinta ay ku xaddidantahay arrimaha ku tilmaaman xilalka iyo awoodaha aan kor ku tilmaanay, inkasta oo ay jiri karaan arrimo kale oo soo raaca.

Waxaan sidoo kale gaarnay natiijo ku qotonka daraaseyn iyo daalacasho hab-dhaqanka iyo xaaladaha sharci ee la soo gudboonaado Dalalka Caalamka iyo sida shuruucdoodu u maareeyaan, waxaa inoo soo baxay in ay ka reeban yihiin Xukuumadda Xil-gaarsiinta arrimaha soo socda:

  1. Soo-jeedinta wax ka beddelka Dastuurka.
  2. Curinta ama soo gudbinta hindise ama mashruuc sharciyeed.
  3. Soo saaridda qaraarro ama go’aanno tilmaamaya wax-ka-beddelka qodobo sharci.
  4. Kala diridda Baarlamaanka.
  5. Go’aanno wax ka beddelay qaab-dhismeedka hay’adaha iyo mu’assasaadka guud ee dowladda.
  6. Qaraarro ama go’aanno wax ka beddelaya xeer nidaamiyeyaasha dowladda.
  7. Qaraarro ama go’aanno wax ka beddelaya ama ku xadgudbaya xuquuq uu ay aqoonsadeen Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.
  8. Magacaabid xil leh ahdaaf siyaasadeed aad u fog.
  9. Jaangoynta qiimaha badeecada, mushaaraadka iyo adeegyada kale ee saamaynaya dhaqaalaha qaranka.
  10. Go’aanno abuuray qalalaase ama khilaaf siyaasadeed.
  11. Gaaridda go’aanno siyaasadeed oo caqabad ku noqon kara xukuumadda imaanaysa.
  12. Qabashada afti dadweyne.
  13. Ansixinta hindise sharci oo qabyo oo la xiriira miisaaniyadda dowladda.
  14. Curinta siyaasad ama barnaamij cusub oo ay yeelanayso xukuumadda xil-gaarsiinta ama wax ka beddelka siyaasaddii hore ee xukuumaddu ku shaqeynaysay.
  15. Gelidda heshiisyo caalami ah ama kuwo waqti dheer qaadanaya oo saamaynaya siyaasadda xukuumadda cusub.
  16. Magacaabidda ama xil ka qaadidda saraakiisha sar-sare ee dowladda.

WABILLAAHI-TOWFIIQ

W/D: Qareen Zakariya Ismaaciil Nuur

Qareen Zakariya I. Nuur waa qareen, bare Jaamacadeed iyo cilmi-baare ka howl-gala Magaalada Mugdishu, wuxuu xubin ka yahay Ururka Qareennadda Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kale La-taliye sharci u yahay hay’ada dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay.

Zakariyei@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *