Askar Turkiga tababar ku soo qaatey oo Gaalkacyo lagu soo dhgaweeyey

Published: April 13, 2021

Askar ka tirsaneyd Ciidanka SNA qaybaha Gorgor iyo Haramcad oo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa isaga soo goostey ciidankaas, kadib markii ay sheegeen in faquuq iyo takoor lagu bilaabey.

Ciidamada soo goostey ayaa ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Wasiirka Amiga ee Puntland, kan Maaliyadda, taliyaha ciidanka daraawiishta, Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyey ciidankan.

Masuuliyiinta Puntland ayaa ciidankan u sheegay in ay ka hawl geli doonaan Puntland faquuq iyo takoorkuna uu yahay arin aad u xun.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *