Askari diley darawal kamid ah kuwa ka shaqeeya gaadiidka dekedda Muqdisho

Published: August 27, 2022

Mid ka mid ah darawallada ka shaqeeya gaadiidka dekedda weyn ee Muqdisho ayaa maanta lagu dilay gudaha magaaladaasi.

Dibad-bax ka dhan ah dil loo geystay darawalka, kaas oo uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Darawallada oo ka carooday dilka marxuumka ayaa xirtay waddada Fintu una October, halkaas oo ay ka dhigeen dibad-bax weyn oo cabasho ah.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in marxuumka loo dilay bixinta lacag baad ah darteed, sida u hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in marxuumka uu waday gaari Canshuurnaa, balse loo dilay bixinta lacag laaluush ah.

Darawallada ayaa baaq culus u diray Madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka dalbadeen inuu wax ka qabto arrintaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *