ATMIS oo saartay warsaxaafadeed, kadib weerarkii shaley ka dhacay gobolka Hiiraan

Published: September 4, 2022

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo saaray warsaxaafadeed ayaa cambaareysay weerarkii ay shaley kooxda Al-Shabaab ku qaaday kolonyo Gaadiid ah, kaasi oo sababay dhimashada 20 qof iyo burburka todobo baabuur oo siday raashin iyo sahay biyo ah oo deg deg ah oo ka dhacay degaan katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wacad ku maray in ay la shaqeyn doonaan ciidamada ammaanka ee dalka ee wada howlgallada nabadda lagu raadinayo, inkastoo ay kordheen weerarada ay Al-Shabaab ka geysanayaan dalka.

“ATMIS Ex AMISOM waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Midowga Afrika.

Inta uu Maamulka Gobolka Hiiraan Xaqiijiyay weerarka ka dhacay Deegaanka Afar Irdood ee gobolka Hiiraan waxaa ku dhintay 21 ruux oo 3 kamid ah ay haleeshay miino nooca dhulka lagu aaso, halka 18 kale toos ay u dileen dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *