ATMIS oo Saldhiggii u weynee ay ku lahayd shabeelada dhexe wareejisey

Published: September 18, 2023

Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS, gaar ahaan ciidamada Burundi ayaa maalintii shalay ee Axadda wareejiyey mid kamid ah saldhigyadii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen Shabeelada dhexe, waxaanaa ay kuw areejiyeen ciidamada xoogga dalka ee loo yaqaan SNA.

Saldhigga Biyo Cadde ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay ka howlgalayay ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, wuxuuna ahaa saldhigga ugu weyn ATMIS ee Shabeelaha Dhexe.

Saldhigga lagu wareejiyey ciidamada Soomaaliya ayaa ah mid istraatiiji ah oo aga waardiyeeyo xarunta Hirshabelle ee Jowhar.

Munaasabadda wareejinta saldhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Hawlgalka ATMIS, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.

Wareejinta saldhiggan ayaa qayb ka ah qorshaha cusub ee Soomaaliya isugu diyaarineyso in ay la wareegto amniga dalka, marka askeriga ugu danbeeya ee hawlgalka ATMIS uu ka baxo Soomaaliya, dhamaadka sanadka 2024.

Horseed Media