Axmed Xuseen oo xil muhim ah loo magacaabey

Published: July 27, 2023

Ra’iisul wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa shalay isku shaandheyn ku sameeyey golahiisa wasiirrada, si uu wax uga qabto nolosha sii qaaliyoobeysa iyo hoos u dhaca dhanka dhaqaalaha.

Ilaa toddoba wasiir ayaa waayay xilalkooda. Laakiin Axmed Xuseen oo ah Soomali-Kanadiyaan ayaa markale kasoo dhex muuqday golaha wasiirrada, isaga oo loo magcaabay Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah.

Axmed Xuseen ayaa horey u ahaa wasiirka guriyeynta ee dalka Kanada.

Horseed Media