Baanka Adduunka oo sheegay inay joojinayaan barnaamijyada hormarineed ee Soomaaliya?

Published: March 29, 2024

Baanka Adduunka ayaa si adag ugu digey Dowladda Federaalka Soomaaliyeed kadib markii xisaab-xirka ee deeqaha iyo barnaamijyada hormarinta la soo gudbin waayey.

Bangiga Adduunka ayaa markii ugu horreysay luuqad adag kula hadlay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo farriin qoraal ah usoo diray dowladda, gaar ahaan xubnaha dhinaca dhaqaalaha.

Qoraalka Bangiga Adduunka oo ay aragtay warbaahintu ayaa waxa uu xubnaha dowladda ku wargeliyay in xisaab-xirkii dhaqaalihii Bangiga ka baxay aan lasoo gudbin, kaasi oo ahaa in loo soo gudbiyo 31-ka December 2022-kii.

Xisaab-xirkan muddo dhaafay ayaa illaa hadda la haynin, waana midda ka careysiisay Bangiga Adduunka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatay in loogu daro 9 bilood, welina lama keenin xisaab-xirka.

Bangiga Adduunka oo u muuqda mid aan qaadan karin dib u dhaca qeyru-xadka ah ee ku yimid soo xareynta xisaab-xirka ayaa haatan sheegay in waqtiga kama dambeysta ah uu ku eg’yahay 31-ka bishaan March.

Bangiga ayaa ku goodiyay inuu qaadi doono haddii waqtigaas lagu soo gudbin waayo warbixinta illaa lix tallaabo oo kala ah;

Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.
Lama kordhin doono mashaariicda hadda socota.
Wada xaajoodyada labada dhinac ahaa dhamaantood dib loo dhigi doona, xitaa qorsheysnaa bisha soo aadan ee April ee sanadkaan.
Dhamaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidoo kalena waxaa la hakinayaa lacagaha mashaariicda hadda socota.
Bangiga ayaa waxa kale oo uu hakin doona deeqaha ay saameynayso warbixinta aan illaa hadda lasoo gudbin.
Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa iyagana la hakinayaa.
Sido kale waxa uu Bangiga Adduunka ku hanjabay in uu joojin soono illaa saddex mashruuc oo muhiim ah oo qorshuhu ahaa in bisha April la fasaxo oo uu bixiyo dhaqaalihiisa, meeshana waa ka baxayaan haddii ay dowladda federaalka kusoo gudbin weydo warbixinta xisaab-xirka muddo ku siman saddex maalmood.

Si kastaba, arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli ay dowladda federaalka ay sheegtay in uu kobac dhaqaale ku yimid dakhliga gudaha, balse ay lagama maarman tahay oo loo baahan yahay taageero dheeri ah.