Baaritaanka geerida Hogaamiyihii kooxda Wagner oo diyaaradiisii burburtay

Published: August 24, 2023
Shares26

Waxaa baaritaan lagu wadaa shilka diyaaradii gaar ah oo u kireysneyd hogaamiyihii kooxda hubeysan ee Ruushka (Wagner) Yevgeny Prigozhin, oo xalay kusoo dhacday duleedka waqooyi ee caasimada Ruushka Moscow.

Magacyada rakaabka diyaarada siday oo ay baahisay dowlada Ruushka ayaa lagu xusay Yevgeny Prigozhin. Diyaarada ayey saarnayeen 10 ruux, waxaana illaa iyo hada la helay meydka 8 qof, lamana oga in diyaaradan lasoo riday.

In kasta oo falcelinta caalamiga ah ee dhimashada la soo sheegay ee madaxii Wagner ay ahayd mid degdeg ah, madaxweynaha Ruushka ayaan weli ka hadlin.

Putin ayaa ka qeyb galayay bandhig faneed laga sii daayay telefishinka oo lagu maamuusayay sanad guuradii 80-aad ee ka soo wareegtay dagaalkii Kursk xiligaasi oo la sheegay in diyaarada Prigozhin ay burburtay fiidnimadii Arbacada.

Putin ma uusan ka hadlin shilkan, oo kusoo beegmay laba bilood ka dib markii calooshood u shaqeystayaasha Wagner ay sameeyeen gadood hubeysan oo ka dhan ah millatariga Ruushka, iyagoo soo riday dhowr diyaaradood, kuna dilay ugu yaraan 13 xubnood oo ka tirsan ciidamada Ruushka, xili ay ciidamada Prigozhin ay ku sii jeedeen Moscow.

Putin ayaa xiligii gadoodkaasi waxa uu sheegay in Wagner uu “khiyaanay Ruushka uuna ka jawaabi doono”, in kasta oo uu markaas u ogolaaday Prigozhin iyo dagaalyahannadiisa in ay u guuraan dalka Belarus.

Hogaamiyaha Wagner ayaa muuqaalkiisii ugu danbeeyey sheegay inuu ku sugnaa dal Afrikaan ah, kooxda Wagner ayaa xiliga ku sugan dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin, Bartamaha Afrika, Mali, Liibiya, Sudan iyo Burkina Faso.

Horseed Media