Baarlamaanka Puntland Ansixiyey Xeerka Dugsiyada Qur’aanka – VIDEO

Published: November 4, 2020

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta dood dheer kadib waxay ansixiyeen xeerka dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland, kaas oo ka kooban 37 Qodob.

Xeerka dugsiyada Quraanka Kariimka ah oo ay golaha wakiillada usoo gudbisay Xukumadda Puntland, gaar ahaan wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta, dastuurka iyo dhaqan-celinta ayaa waxaa cod gacan-taag ah ku ogolaaday 39 xidlhibaan, hal mudane ayaa diiday, afar kale waa ka aamuseen.

Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland ayaa kaalin wanaagsan ka qaadanaya ilaalinta xuquuqda Dugsiyada Puntland, waxa ayna ujeeddadiisu tahay tayeynta & kor u qaadista Qur’aanka Kariimka iyo barayaasha dhigaya, sidoo kalena dhiirigelinaya ku dhaqanka Diinta Islaamka, Caqiidada toosan iyo Anshaxa wanaagsan.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *