Baarlamaanka Puntland Oo Ansixiyey Inuu Kusii Shaqeeyo Xeer Hosaadkii Hore

Published: January 13, 2024

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Maxamed Maxamoud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa akhrinta iyo ansixinta xeer-hoosaadka Golaha wakiilladda iyo dhismaha Guddiga joogtada ah Golaha Wakaiillada si waafaqsan qodobka 63-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Ugu horeyn, waxaa Goluhu si aqlabiyad ah isula qaatay in lagu sii shaqeeyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee horey u jiray inta laga dib u-eegis rasmi ah lagu sameynayo Xeer-hoosaadka. Ansixinta ka dibna waxaa Goluhu ku sameeyey dulmar guud.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa la wadaagay xubnaha golaha dhismaha Guddiga Joogtada ah oo ka kooban 10 madax Guddi, iyadoo Gobol kasta uu ka codsaday inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya guddiga joogtada ah, hadii ay isku soo raaci waayaana Goluhu uu kala dooran doono xubnahaas.

Ugu Dambeyn Goluhu wuxuu isla qaatay inay dib isagu soo laabtaan Sabtida soo socota taariikhduna tahay 20-ka bisha Janaayo si loo dhammaystiro Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo laf-dhabar u ah hawl-socodsiinta Golaha Wakiillada.

Horseed Media