Baarlamaanka Soomaaliya Oo Loo Gudbiyey Heshiiska Golaha Wadashiga Qaran

Published: June 11, 2023

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta dastuurka xildhibaan Xuseen Iidow oo uu wehliyo xoghayaha guddiga senator Siciid Cabdi Xuseen {Cawke}, ayaa maanta wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud kala wareegay heshiisyadii ay gaareen golaha wadatashiga qaran, si loogu beddelo luuqad dastuuri ah.

Heshiisyada ay maanta la wareegeen guddiga la socodka, si loo geliyo wax-ka-bedelka dastuurka iyada oo la adeegsanayo guddiga madaxa banannaan ee dib-u-eegista iyo wax ka beddelka dastuurka ayaa kala ahaa.

1.Heshiiska Hannaanka Federaalaynta Garsoorka Decenber, 2022
2. Astaynta awoodaha Hay’adaha Dowladda December, 2022
3. Heshiiska astaynta iyo Wadaagga dakhliga Maarso 2023
4. Heshiiska qaab dhismeedka amniga Qaranka Maarso 2023
5. Heshiiska Hannaan Doorashooyinka Qaranka Maarso 2023.

Horseed Media