Baarlamaanka Sri Lanka oo Madaxweyne cusub u doortay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas

Published: July 20, 2022
Madaxweynaha Cusub ee Sri lanka Ranil Wickremesinghe

Baarlamaanka Sri Lanka ayaa Madaxweynaha cusub ee Dalkaas u doortay Ranil Wickremesinghe oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, waa waaya-joog lasoo shaqeeyay Madaxweynihii sabab saday dhaqaale xumada jirta.

Ranil Wickremesinghe ayaa helay 134 cod, halka Dullus Alahapperuma oo ah musharixii la tartamay uu helay 82 cod sida lagu sheegay natiijada laga soosaaray Doorashada uu Sameeyay Baarlamaanka Sri Lanka.

Kahor inta aan lagu dhawaaqin natiijada waxaa la adkeeyay ammaanka xarunta Baarlamaanka oo waxaa la dhigay Ciidamo badan si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa xarunta gudaheeda iyo dibaddeeda maadaama shacabka ay daneynayaan madaxweyne ka saari kara dhibaatada heysata.

Sri Lanka oo kacdoon ah gashay horraantii July 2022 waxaa lagu soo afjaray maamulka Madaxweynihii 8aad ee Dalkaas Gotabaya Rajapaksa oo ku qasbanaaday in uu dalka isaga cararo maadaama Madaxtooyadiisa ay u daateen shacab ka careysan dhibaatada dhaqaale ee waddaan ka jirta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *