Baku: Gooni goosatada Karabakh ayaa sheegay in ay hubka dhigeen

Published: September 20, 2023

Asarbayjan waxay xaqiijisay xabbad-joojin

Asarbayjaan iyo qowmiyada Armenian ee gobolka goosashada doonaayey ee Karabakh ayaa heshiis wada gaaray ka dib markii ay wada xaajood la yeesheen ciidamada nabad ilaalinta ee Ruushka. Waxay timid ka dib markii Ajerbaijan ay qaaday duullaan ay ku doonayso inay kula wareegto gobolka oo dhan.

Xoogaga gooni u goosadka Armenia ee ku sugan Nagorno-Karabakh ayaa sheegay in ay ogolaadeen qodobbada xabad joojinta ee ay soo jeediyeen ciidamada nabad ilaalinta Ruushka.

Arintan ayaa timid kadib markii kooxda hubaysan ay la kulantay dib u dhacyo isdaba joog ah oo ay kala kulmeen ciidamada Asarbayjaan.

Wasaaradda Difaaca ee Asarbayjaan ayaa xaqiijisay heshiiska xabbad joojinta, iyadoo sheegtay in gooni u goosadka Armenia ay ku heshiiyeen “inay hubka dhigaan, kana tagaan goobaha dagaalka iyo fariisimaha militariga oo ay gabi ahaanba hubka dhigaan,” iyadoo dhammaan hubka iyo qalabka culus lagu wareejinayo ciidamada Asarbayjaan.

Heshiiska ayaa dhaqan galay 1:00 duhurnimo ee xiliga maxaliga ah, waxaana wadahadalo nabadeed oo u dhexeeya saraakiisha Asarbayjaan iyo gooni u goosadka la qorsheeyay inay maalinta Khamiista ah ka dhacaan magaalada Yevlakh ee dalka Asarbayjaan.

Horseed Media